Soo dhawaw

Balaadhinta Isku Xidhka 130th Street Station ee Sound Transit waxa siinayaa adeeg dheeraad ah dadka degan Koonfurta Seattle la dhamaystiro. Waxa aad ka eegtaa websaytkan macluumaadka ku saabsan nashqada istaanka oo aad noola wadaagto fikirkaaga qaybaha nashqada.

Istaanka Sawirada oogada sare NE 130th Street Infill. Riix sawirka linkiga si aad u eegto PDF oo wada dhamaystiran.
Istaanka Sawirada oogada sare NE 130th Street Infill. Riix sawirka linkiga si aad u eegto PDF oo wada dhamaystiran. (PDF)

Codayntii 2016 waxaa lagu ansixiyay istaanka tareenka fudud ee dheeraadka ah ee Lynnwood Link Extension ee ku yaala NE 130th St. Istaanka cusub waxa uu usoo kordhin doonaa adeeg cusub dadka degan inta u dhaxaysa istaanada Northgate iyo Shoreline South/145th oo waxaana lagu dhisi doonaa khadka Balaadhinka Isku Xidhka Lynnwood. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waqooyi Bari 130th Street Infill Station iyo guud ahaan taariikhda mashruuca Isku Xidhka Lynnwood oo waxaa laga heli karaa boga mashruuca Sound Transit ama hoos.

Marka la dhamaystito waxa aanu ku qiyaasaynaa in Waqooyi Bari 130th Street Infill Station maalintii ay ka raaci doonaan ilaa 3.400 oo Westlake Station 15 daqiiqo gudahood iyo SeaTac/Airport Station 53 daqiiqo gudahood.

Waxa aanu ku faraxsanahay in aanu kula wadaagno macluumaadka ugu danbeeya ee nashqada istaanka oo aanu fikirkaagana helno!

Hoos waxaa ku yaala shaxda nashqada ee ugu danbeysa ee istaanka 130th Street. Kaniw axa uu noqon doonaa istaankaaga waxaanan rajaynayaa inaad wakhti qaadan doonto aad fikirkaaga nagula wadaagto. Faaladaada waxaa lala wadaagi doonaa kooxda mashruuca inta ay wadaan samaynta nashqadan, iyo sidoo kale Gudida Sound Transit intay ka shaqaynaynso is waafajinta nidaamka mashruuca kaas oo ku salaysan hoos u dhaca dakhliga ee safmarka COVID.

Khariirada aaga. Riix khariirada si aad u eegto khariirada oo PDF ah oo dhamaystiran.
Khariirada aaga. Riix khariirada si aad u eegto khariirada oo PDF ah oo dhamaystiran. (PDF)

Nashqada istaanka

Waxa aanu ku faraxsanahay in aanu bixino macluumaadka Istaanka Waqooyi Bari 130th Street Infill. Eeg!

Nashqada istaanka


Waxyaabaha astaanku Leeyahay


Iminka wadaag fikirkaaga!

Nashqada istaanka

Farshaxanka istaanka

Shaqada hormarka Sound Transit Art Program (STart) ee farshaxanka shacabka ee istaanka gudihiisa iyo inta ku xeera waxa uu ka caawinayaan inay is waafaqaan bulshooyinka ku xeeran oo ay ka dhigaan wax soo jiidasho leh oo meelo raaxo leh ah.

STart waxa ay leedahay farshaxan farshaxan caan ah iyo sidoo kale farshaxanka shacabka ee soo baxaya. Dad badan oo degan Pacific Northwest. Shaqadoodu waxay matalaysaa qaabab kala duwan, miisaan iyo aragtiyo abuuraya soo dhawayn iyo meelo kale oo soo baxaya.

ST LLE - 130th Infill - 077-027-001 - Station Art feedback - Somali

1. Shaqada hormarka Sound Transit Art Program (STart) ee farshaxanka shacabka ee istaanka gudihiisa iyo inta ku xeera waxa uu ka caawinayaan inay is waafaqaan bulshooyinka ku xeeran oo ay ka dhigaan wax soo jiidasho leh oo meelo raaxo leh ah.
2. STart waxay sidoo kale ka dalban doonaa farshaxanada aanu la shaqayno inay sawirtaan sida shaqoodu ay gacan uga gaysanayso in istaanadeena laga dhigo meelo soo jiidasho leh.

Maxaa xiga?

Marka gurigan furan ee online-ka ahi uu dhamaado, waxa aanu soo koobi doonaa fikiradiina aanu isku keeney oo aanu la wadaagi doonaa ku dabaqayaasha mashtuuca. Hadii aanad isku duwaan gelin, fadlan iska duwaan geli Lynnwood Link Extension iyo Waqooyi Bari 130th Street Infill Station badaqayaashooda

Waxa aanu idinla soo xidhiidhi doonaa adiga iyo jaarkaaga sanadka danbe marka nashqada Istaanka Waqooyi Bari 130th Street Infill ay gaadho ilaa 90% si aanu nashqada la kala hufay aanu idiinla wadaagno.

Wakhti xaadirkan, waad nala soo xidhiidhi kartaa wakhti kasta!

My Nguyen
Khabiirka Wacyi Gelinta Bulshada
206-398-5300
my.nguyen@soundtransit.org

Photo of station art at Northgate Station, depicting a green darner dragonfly on a panel of glass.
Farshaxanka Northgate waxaa dhiirrigeliyay masduulaaga darner cagaaran - cayayaanka rasmiga ah ee gobolka Washington.

Guudmarka Mashruuca Balaadhinka Isku Xidhka Lynnwood

Balaadhinka Isku Xidhka Lynnwood waxa uu gaadhsiin doonaa tareenka fudud ilaa Degmada Snohomish, waxaanu u adeegi doonaa afar istaan, Shoreline South/145th, Shoreline North/185th, Mountlake Terrace iyo Suuqa Hoose ee Magaalada Lynnwood, iyo Istaanka Waqooyi Bari 130th Street Infill. Marka la furo 2024, dadka raacayaa waxay weli doonaan tareen dhakhos ah, joogto ah oo la isku hayn karo adeegiisa oo u dhaxeeya koonfurta Degmada Snohomish iyo Jaamacada University, suuqa hoose ee Seattle, Eastside, Madaarka Sea-Tac iyo meelo kale oo badan.

Dhismaha Balaadhinka Isku Xidhka Lynnwood Link iminka wuu socdaa. Tani waxaa weeye hawl balaadhan oo tareenka fudud lagu keenayo waqooyiga Seattle, Shoreline, Mountlake Terrace iyo Lynnwood ee 2024!

Waxaad macluumaad dheeraad ah ka ogaataa websaytka mashruuca.

Nala xidhiidh!

Waad ku mahadsan tihiin inaad soo booqataan gurigeena furan ee online-ka ah! Waxa aanu rajaynaynaa inaad nala shaqayn doontaan.

Si aad u hesho macluumaadka ugu danbeeya kolba ee mashruuca Waqooyi Bari 130th Street Infill Station, waxa aad isku duwaan gelisaa wararka inaad ku hesho iimeelkaaga!

Ku xidhnow!

Waxa aad heshaa wararka mashruuca soo socda iyo fursadaha ay kaga qayb geli karaan shacabku.


Wixii su'aalo ama macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Waqooyi Bari 130th Street Infill Station, fadlan la xidhiidh:

My Nguyen
Khabiirka Wacyi Gelinta Bulshada
206-398-5300
my.nguyen@soundtransit.org